4 siyaabood aad ugu noolaan karto nolol farxad leh.



Qoraalkan yar waxaynu isla eegaynaa ama aynu ka jawaabeynaa su aasha aynu ciwaanka kur soo qornay ee ah; "sidee ayaan ugu noolaan karaa nolol farxad leh".

1. Waxba ha qarin

La noolow adiga oo aan waxba qaban, adiga oo dib u dhacay iyo afiga oo falal aan ka fiirsan sameeyay,
Soo dhawee khatarta, sida aad u soo dhaweyn lahayd farxada.

2. Dheh "haa"

Ku dhaqaaqwax kasta oo ku xiise galiya, isku qasab inaad ka dheeraato meesha yar ee aad la qabsatay (comfort zone) inta aad awoodo sahmi meelo kale oo aanad aqoon sida aad noloshaada wax uga badasho, soomaali waa tii ku maah maahi jirtay; "Barti yaqaan bari uma korodho".

3. Keliya samee

Ha u ogolaanin in hab fikirkaagu kuu diido, waxa ay ahayd inaad qabato ama aad jeclaan lahayd inaad qabato, waxaan ma rabtaa inaad qabato? Qabo! Waxaan ma doonaysid miyaa inaad qabato? Ha qaban! Qaacidadaa yar raac inta badan, adiga oo u sameynaya sida ugu macquulsan ee aad u qaban kartid.

4. Haka fekerin berri

Berri sida aad ka rajeyneyso weligeed ahaan meyso, adiguna sidaa ahaan meysid.! Inta a
badan wax weliba wey is badalaan. intaad ka fekireyso berri, waa markasta oo tamartaadu maanta yaraaneyso. Maanta u wanaaji sida ugu haboon, sida ugu hagaagsan wax u qabo, si ay berri kuu bilaabmato adiga oo aan u baahnayn inaad dib u jileecdo.

Gabagabadii 

Intan yar aynu soo sheegnay hadaad noloshaada ku dabaqdo wax badan baa iskaga babalaya noloshaada, nolo farxad lehna waad ku noolaan hadii alle idmo.

Post a Comment

0 Comments