Maxay tahay farsamo maskaxeeda dawo u noqon karta caajiska?

 


Lixdaan qodob waa lix qodob wax badan kaa caawinaya hadii aad ku dhaqanto oo aad raacdo hadii alle idmo.


1. Xeerka shan ilbiriqsi (The 5-second rule). 

Bal shan ilbiriqsi wax qabo, tani waa waqtiga ugu yar ee aad ku dareemeyso in ay kuu fududahay iyo in si xor ah wax u qabato, waxa ay kaaga filan tahay halkii ay kugu qaadaneysay in badan inaad wax bilowdo, bilowgu waa qaybta ugu adag, balse marka aad bilowdu wey fududahay in la sii wado.


2. Xeerka shanta daqiiqo (The 5-minute rule).

Hadii aad qaban kartid shey shan daqiiqo, u qabo si kasta oo aad u qaban kartid, wax kasta oo aad gacanta ku haysid faraha ka qaad, wax kalena ha qaban, balse wixii aad u qoondeysay shanta daqiiqo kaliya sameey.

Tani waxa ay keensaneysaa in madaxaaga wixii ku jiray aad ka soo saarto, maankii isku qulubsanaa ee mar ka fikirayey waxba maad qaban iyo maxaad waxaa u qaban weyday, isna wuu fududaanayaa. Waxaa kale oo tani ay kuu fureysaa in waxyaabaha kale si wacan u qabatid, iyo inaad noqotid mid wax soosaar leh.

3. Qor.

Hadii aanad qaban karin shan daqiiqo, qor marka aad qaban doonto iyo halka aad ku qaban doonto, hadii kale qor marka aad qorsheyneyso in aad qaban doonto.

Sidoo kale waxa aad jadwal u sameyn kartaa xeerka shanta daqiiqo oo wixii aad qabaneyso, shantaa daqiiqo ayaa aad ku qoreneysaa, tani waxa ay keenaysaa in maankaadu nafis noqdo. Waayo wixii aad rabtay inaad noqoto iyo wixii aad qorsheyneysay inaad qaban doonto, waxaa ku qortay waraaq.

4. Ha u cudurdaarin.

Keliya samee, Haa, waliba bilaa sabab, sida aad u tiri; waan qabanayaa u qabo. Yayna jirin sabab kasta oo aad u cudur daarataa, maxaa yeelay waxaad tiri waan qabanayaa, waan sameynayaa sow ma ahan, dee samee! Maxay tahay waxa kale ee intaa dheer aad u baahan tahay.

5. Cab biyo badan.

Sida ugu fiican ee dunida isku raac san tahay, waan in cabida kafeega la yareysto (drink less coffee), waxa aad u baahan tahay in maskaxdaada oksajiin badan hesho, sida ugu wacan ee dhigaaga ay ku soo gali karto ama uu heli karo ogsajiin badan, waa in biyo badan la cabo.

Biyaha badani firfircooni ayey siiyaan maanka, sidoo kale waan in lagu dadaalaa cuntooyinka caafimaadka maskaxda u fiican.

6. Inyar cagaha dhulka ku haay.

In badan howl kasta oo nafci leh wey adag tahay, wey kugu soo istaageysaa, maaha mid raaxo leh maaha mid madadaalo iyo maaweelo wadata, ee waa sida mid cadaadis iyo warwar wadata. Hadaba baro in dareenkaaga mid caadi iska ahaado, waa in ayna cagaha dhulka kaaga qaadin culeyska howsha aad heyso, hadii aad adkeysi yeelato waad guuleysaneysaa howl kasta oo qiimo leh.

Post a Comment

0 Comments