5 shey aad u baahan tahay noloshaada!
shantani soo socota waa shanta shey ee ugu nuhiimsan ay tahay inuu qofka ka ogaado inta uu nool yahay noloshiisa, waayo waxa ay saamey kugu yeelanaysaa noloshaada!
1. Ogaal nafeed/ Self-Awareness.
Inaad ogaato meelaha aad ku fiicantahay, meelaha aad ku xuntahay, qiimahaaga iyo dareemahaaga waayo waxa ay kaa caawinaysaa inaad go`aan fiican aad qaadato iyo inuu hagaago cilaaqaadkaaga ama xiriiradaada nolosha.
2. Aqoonta Dhaqaalaha/ Financial litrecy.
Inaad ogaato sida loo maareeyo lacagtaada, dhaqaalaha ku soo gala, keedkaaga, maalgashiga aad sameyneysid iyo tan ugu muhiimsan oo ah inaad fahanta deynta(Debt), intaas oo aad fahanto waxay kuu hogaamineysaa inaad gaarto isku filnaanshiyo dhaqaaleed iyo maskax dagnaan aadadan ka welwelin dhaqale.
3. Xiriirka Wanaagsan/ Healthy Relationships.
Inaad dhisto ama aad xoojiso xiriirka aad bulshada la leedahay, sida saaxiibadaada ama qoyskaada ama bulshada kugu hareersan waxay muhiim u tahay dareenka niyadeed.
4. Adkeysi/ Resilience.
Nolosha waxay kugu soo bandigi doontaa caqabado iyo dib u dhac fara badan aad dareemeysid murugu, inaad adkeysi la timaado waxay kuu hogaaminaysaa ama waxay kor u qaadeysaa xirfadaada iyo farxadaada guud.
5. Barashada nolosha oo dhan/ Lifelong learning.
U fiirso oo xooga saar barashada waxyaabo cusub, haday noqoto waxbarshada asaasiga ama wax isbarida sida bugaag aad aqrisid iyo wixii la mid ah ama qibrado aad dadka kale ka waraysatid, waxay kor u qaadeysaa inaad la timaado isbedel fiican
0 Comments